Madaxweynaha Somaliland oo Xil-ka-qaadis iyo Magacaabis ku sameeyey Golaha xukuumaddiisa

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu xilalkii ay hayeen kaga qaaday Wakiilkii Somaliland u fadhiyey Dalka Shiinaha iyo ku-xigeenka Wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya, waxaanu beddelkooda u magacaabay masuuliyiin Cusub.

 

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale digreetada ku magacaabay isla markaana ku buuxiyey booska Badhasaabka gobolka Badhan oo hore u bannaanaa, kaas oo uu u magacaabay masuul cusub oo lagu la yidhaahdo Maxamuud Xaamud Cumar.

 

Sida lagu sheegay wareegtada Madaxweynaha, Md Muuse Biixi waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Wakiilkii Somaliland ee dalka Shiinaha Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingister) iyo ku-xigeenkii Safaaradda Somaliland ee dalka Ethiopia Cabdikariim Cumar Ismaaciil.

 

Wareegtada magacaabist iyo Xil-ka-qaadista ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa u dhignayd sidan:-

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/XKQ/222/1-328/062019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiste),

     Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Shiinaha

Ku: Maxamed Cabdikariim Cumar Ismaaciil,

       Safiir Ku-xigeenkii hore Somaliland u fadhiyey dalka Itoobiya

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

 

 

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka ee kor ku xusan.

 

Magacaabis

 

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi Ballaadhan;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

 

 

Tir Magaca Xilka
1. Maxamuud Xaamud Cumar Guddoomiyaha Gobolka Badhan
2. Cabdiraxmaan Axmed Muuse Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Badhan
3. Cawil Ibraahim Cali Wakiilka Xafiiska Ganacsi ee Somaliland ee Dalka Shiinaha

 

Sidaas ayaa lagu sheegay digreetada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.