Madaxweynaha Somaliland oo Xafiiskiisa ku Qaabilay maayarka Degmada Southwark ee magaalada London

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Maayarka Degmada Southwark ee Badhtamaha magaalada London, Councilor Abdul Mohamed oo ay wehelinayeen Cabdifataax Siciid Axmed, la-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ah iyo Mulkiilaha Televisionka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv Mudane Farxaan Xaaji Cali Axmed.

southwark Mayor vs Somaliland president1Madaxweynaha waxa ku wehelinaayey kulanka Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Axmed Cali.

Kulanka maanta dhexmaray madaxweynaha iyo Maayarka Southwark, waxa ka horeeyey booqasho uu shalay Maayarku ku tagay madaxtooyada, halkaas oo uu xafiiskiisa ku Booqday Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, ka dibna waxa uu la kulmay Maareeyaha Xafiiska Samafalka iyo la taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha Somaliland.