Madaxweynaha Somaliland oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Guddida Daryeelka Af-Soomaaliga oo Booqasho ku jooga Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley guddiga akadeemiga daryeelka Afka Soomaaliga oo dhawaan booqasho ku yimid magaaladda Hargeysa.

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay guddida Daryeelka Af Soomaaliga waxa ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka Md. C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Madaxweyne Siillaanyo ayaa soo dhoweeyey guddidan waxaanu ku dhiirigaliyey inay hawsha baaxadda weyn ah ee ay hayaan ilaahay u fududeeyo,isla markaana uu ku faraxsan yahay kulankan uu la yeeshay aqoonyahanadda soomaaliyeed ee afka iyo dhaqankaba isku xil saaray ilaalintoodda.

Sidoo kale, guddigan Daryeelka Af soomaaliga oo ka koobnaa shan qof ayaa kala ahaaa Gudoomiyaha Guddida Academy-ga Daryeelka Af-soomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax, gudoomiye ku xigeenka C/rashiid Maxamed Ismaaciil , Macalinka weyn ee Siciid Saalax Axmed oo Maraykanka ka yimid sanadkastana ka soo qaybgalla bandhiga carwadda buugaagta ee Hargeysa, Macalin Axmed Shiraac iyo Abwaanka weyn ee Maxamed Warsame Hadraawi, waxaanay madaxweynaha uga mahad celiyeen sida qiimaha leh ee uu xafiiskiisa ugu soo dhoweeyey.

Somalilandpost.net/Hargeysa