Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xadhigga ka jaray Baahinta War-lalista cusub ee Radio Hargeysa oo loo keenay qalab cusub oo suurto galinaya in adduunweynaha laga dhagaysto.
Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey furitaanka Idaacaddan oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-galinta, waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin badan oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha iyo Wasiirradiisa.
SAWIRRO DAAWO.