Madaxweynaha Somaliland oo Tacsi u diray Madaxweynihii hore ee Somaliya, Cabdilaahi Yuusuf Axmed

Hargeys, 23 February, 2012 (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ka tiiran-yeysan, waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo guud ahaan shacbiga soomaaliya ee uu ka baxay Madaxweynihii hore ee Somaliya MARXUUM CABDILAAHI YUUSUF AXMED.

MARXUUMKA oo ku geeriyooday imaaraadka Carabta gaar ahaan Abu-Dubai 23/03/2012.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga soomaaliya ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.