Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Ciidamada Qaranka iyo Eheladii uu ka Geeriyooday General Fadhi-ku-salaan

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum General Maxamed Jaamac Warsame (Fadhi-kusalaan) oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 02/08/2022, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee loo soo maray dalka, isagoo marxuumku ka mid ahaa saraakiishii ilaa lixdankii ku hawlgelayey arrimaha ciidamada oo uu aqoon dheer u lahaa marxuumku, isagoo xilal kala duwana ka soo qabtay ciidamadii dawladii burburtay ee la isku odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaaliya, wakhtiyadii danbena wuxuu ka mid ahaa saraakiishi dhidibada u taagay ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu qayb ka ahaa aas-aaskoodii.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.