Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyo u diray Shacabka Jamhuuriyadda munaasibadda Ciidul-Adxaha awgeed oo ku beegan Sabtida Berri.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada oo lagu faafiyey hambalyada madaxweynaha, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1443-ka oo maalinta berri ah ku beegan, waxaanu madaxweynuhu u rajaynayaa shacbi weynaha in sannadkan sannadkiisa ay ku gaadhaan bash-bash barwaaqo, nabad iyo caano.
Waxaanu madaxweynuhu Illaahay ka rajaynayaa in uu ciiddan ciiddeeda inagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cibaado suubban, bash-bash, barwaaqo, nabadgelyo iyo horumar, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu inta bukta ee u jiifta xanuunnada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo.
Ugu danbayna, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee ku dhaqan dunida dacalladeeda. Ciidal Adxa awgeedna shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu leeyahay ciid-mubaarik, ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.”