Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Safiirka Dalka Czech Republic

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Czech Republic u fadhiya Addis Ababa, Amb Pavel Mikes oo safar ku yimi dalka.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, Kulanka madaxweynaha iyo danjiraha, ayaa lagaga wada hadlay iskaashiga xidhiidh rasmi ah oo dhexmara dalalka Somaliland iyo Czech iyo sidii ay labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen horumarinta waxbarashada, gaar ahaan farsamada gacanta, arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada shacbi.

Warku waxa uu intaas ku daray in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu warbixin mugleh ka siiyey , horumarka iyo wax wada-qabsiga dawladnimada Somaliland ay halkan ku soo gaadhay ay tahay isfahanka iyo wada shaqaynta dawladda iyo shacbigeeda oo heegan buuxa u ah inay ka mid noqdaan beesha caalamka, kana helaan wixii ay xuquuq ku leeyihiin, iyagoo buuxiyey shuruudihii dawladnimo ee looga baahnaa oo dhan.

Waxa kale oo warku intaas ku daray in kulankaasi ku dhammaaday is af-garad buuxa iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka safarka shaqo ee uu ku yimid Dalka Somaliland.

Waddanka Czech Republic oo ka tirsan dalalka Midowga Yurub, ayaa ka mid ah waddamada ay xulafada dhow isku yihiin isla markaana Aqoonsan Dalka Taiwan oo sannadkan ka mid noqday saaxiibbada dhow ee Somaliland ku leedahay beesha Caalamka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net