Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Orodyahannada Mo Farah Iyo Cabdi Nageeye.

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga Madaxtooyada ku qaabiley orodyahan Maxamed Mukhtaar Jaamac Faarax (Sir Mo Farah) oo uu wehelinayey Orodyahan Cabdi Aadan Nageeye oo u orda Dalka Nederland ama Holland oo ay saaxiibo yihiin Mo Farah oo isna u orda Dalka Ingiriiska.

Kulankan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku qaabiley Oradyahannada caanka ah ayaa ahaa dhiirigelin uu Madaxweynuhu u muujiyey labadaa orodyahan, isagoo kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda, tusaale fiicana u noqdaan jiilasha soo koraya.

Sidoo kalena, Madaxweynuhu waxa uu uga mahadnaqay magaca iyo sumcada ay u keeneen dadka ku hadla afka Soomaaliga meel ay joogaanba, gaar ahaan shacbiga Somaliland oo uu ka soo jeedo Mo Farah.

Ugu danbayntiina waxa uu Madaxweynuhu ku muuneeyey orodyahanada bilado abaalmarin ah oo ka turjumaya dedaalka iyo kartida ay muujiyeen, gaar ahaana  magaca iyo sumcada ugu soo hooyeen dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan inta afka Soomaaliga ku hadasha.

Madaxweynuhu wuxuu  ku soo dhaweeyey Sir Mo Farah dalkiisa hooyo, isagoo uga mahadnaqay inuu soo kaxaystay, dalkana keenay saaxiibadiisii ay isku mihnada ahaayeen oo uu ugu horreeyo Cabdi Aadan Nageeye oo isagu ah oradyahan kale oo caana una orda dalka Holland balse wakhtigiisii fasaxa ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha waxa  kulankaas ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Maxamed Cali Bille iyo Guddoomiyaha Xidhiidhka Olympic-ga Somaliland, Mudane Mustafe Cabdiraxmaan Xadi.

Dhinaca oradyahannada waxa ku wehelinayey Mo Faarax walaalkii Xasan Mukhtaar Jaamac Faarax iyo wiil uu dhalay Mo Farah iyo xubno kale oo muhiim ah.