Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Wufuud ka Qayb-gashay Furitaanka Wejiga 1aad ee Dhismaha Dekedda Berbera

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay wufuud kala duwan oo dalka u timi ka-qayb-galka xafladda furitaanka wejiga 1aad ee mashruuca ballaadhin iyo Casriyeynta Dekedda Berbera.

Madaxweyne Muuse Biixi oo 24-kii saacadood ee u dambeeyey ku sugnaa magaalada Berbera, waxa uu xarunta gobolka Saaxil ku soo dhaweeyey Wufuud ka kala socda Dalalka Ethiopia iyo Guinea Bissau oo halkaas u gaadhay ka qayb-galka xafladda furitaanka Dekedda oo maanta ku qabsoontay gudaha Dekedda Berbera.

Weftiga ka socda dalka Guinea Bissau waxa hoggaaminaya Raysal-wasaarihii hore ee dalkaas Baciro Djá oo marti-qaad ka helay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Weftiga ka socday dalka Ethiopia waxa xubno ka ah Wasiirka Maaliyadda dalka Ethiopia Md Axmed Shide, Wasiirka Gaadiidka Degmawit Moges iyo madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar.

Dalka Ethiopia ayaa saami dhan boqolkiiba 19 ku yeeshay dekedda Berbera, kaddib markii ay gacan-ku-haynta maamulka iyo gacan-ku-haynta Dekedda Berbera la wareegtay Shirkadda DP World oo $400 Milyan ku maalgelisay Casriyeynta iyo Ballaadhinta Dekedda.

Xafladda Furitaanka wejiga 1aad ee Casriyeynta Dekedda Berbera, ayaa Khamiista maanta ku qabsoontay gudaha dekedda Berbera, waxaana ka sokow wufuudda ka timi dalalka Ethiopia iyo Guinea Bissau, ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan shirkadda DP World, marti-sharaf kale oo ka kala timi dalalka Caalamka iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net