Madaxweynaha Somaliland oo masuuliyiin cusub xilal u magacaabay

Hargeysa (SLPost) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-44/022018, uu ku magacaabay todoba masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

IMG_0001Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

 

Markaan Arkay:Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

 

Waxaan Go’aamiyey:

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

 

Tir

Magaca

Xilka

1.

Gaashaanle Sare, Saleebaan Muuse Xasan

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland

2.

Gaashaanle Sare, Siciid Xasan Maxamed

Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland

3.

Gaashaanle Dhexe, Ibraahin Maxamuud Guuleed

Guddoomiyaha Maxkamadda D1aad ee Aaga Bari

4.

Gaashaanle, Cabdillaahi Xasan Carraale

Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland

5.

Gaashaanle, Yaasiin X. Cali Maxamuud

Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland

6.

Gaashaanle Dhexe, Fu’aad Raage Maxamed Xirsi

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka

7.

Gaashaanle, Khadar Cali Maxamuud

Xeer-ilaaliye Ku-xigeenka 1aad ee Ciidammada Qaranka

Masuuliyiinta xilka wareejinaya, waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran, muddadii ay xilka hayeen, isla markaana waxaan farayaa in ay ku noqdaan Talisyada Ciidan ee ay ka tirsan-yihiin.