Madaxweynaha Somaliland oo masuul cusub u magacaabay Hay’adda Xidhiidhka Raashinka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa masuul cusub u magacaabay Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka, kaddib markii masuulkii hay’addaas hore u hayey uu dhowaan u magacaabay Maareeyaha Dekedaha Dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada, ayaa lagu faahfaahiyey digreetada uu madaxweyuhu ku magacaabay masuulka cusub oo lagu magacaabo Cali Diiriye (Cali-tacab).

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: – “0Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silanyo, waxa uu Xeer Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-5038/092017 Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (Food Coordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somaliland .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Hay’adda Xidhiidhinta Raashinku u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee FCA (Food Coordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cali Diiriye Axmed (Maalin-tacab), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (Food Coordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL