Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabis iyo Isku-beddel ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda

3Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland, ayaa wareegto uu maanta soo saaray magacaabis isku beddel ku saameeyey qaar ka mid ah masuuliyiinta xukuumaddiisa, kuwaas oo isugu jira Agaasimeyaal iyo Danjireyaal.

Sidaasna waxa lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo lagu shaaciyey wareegtada Madaxweynaha, war-saxaafadeedkaas oo isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-43/022018, uu ku magacaabay sagaal masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad,

Faqradiisa 3aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos
ku xusan yihiin:
Magaca Xilka
1. Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin Maareeyaha Hay'adda Waddooyinka
2. Mustafe Faarax Cali Aadan Maareeye Ku-xigeenka Hay'adda Waddooyinka
3. Muuse Xasan Xaaji Yuusuf Guddoomiyaha Hay'adda Dhawrista Tayada
4. Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) Guddoomiye Ku-xigeenka Hay'adda Dhawrista Tayada

5. Maxamed Cali Bille Guuleed Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada
6. Axmed Xasan Cigaal Sahal Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya
7. Maxamed Warsame Ducaale Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midoobay

8. Maxamed Cabdikariin Cumar Ismaaciil (Maarshaal) Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Itoobiya
9. Ayaanle Salaad Diiriye Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Dalka Kiiniya

Masuuliyiinta xilka wareejinaya, waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u
guteen waajibaadkoodii Qaran, muddadii ay xilka hayeen.” Sidaas ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka.