Madaxweynaha Somaliland oo maalinta Salaasada u muddeeyey Fadhiga ugu horeeya ee Golaha Wakiillada Cusub

madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.jpg

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada cusub ee Somaliland, ayaa maalinta Saalada ee todobaadkan yeelanaya fadhigoodii u horeeyey, sida uu sheegay Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo xeer-madaxweyne ku muddeeyey wakhtiga ay yeelanayaan fadhigooda.

Sida uu dhigayo Dastuurka Somaliland, madaxweynaha ayaa muddo bil gudaheed ah, oo ka soo bilaabmaysa maalinta ay Maxkamadda Sare Ansixiso natiijada rasmiga ah ee Doorashada iyo xildhibaannada ku soo baxay, waxa uu ku muddeynayaa xilliga uu noqonayo fadhiga ugu horreeya ee goluhu isugu imanayo.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa 07/07/2021 ansixisay, isla markaana si rasmi ah ee Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland oo dalka ka qabsoontay 31-kii May 2021-ka.

Haddaba, madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta soo saaray Xeer uu ku muddeeyey wakhtiga uu goluhu qabsanayo fadhigooda u horreeya oo uu u cayimay maalinta Saalasada oo ku beegan 3-da bishan August 2021.

Wareegtada madaxweynuhu ku shaaciyey xeerka madaxweyne ee uu isugu yeedhay xildhibaannada golaha Wakiillada cusub, ayaa u qornaa sidan:-

“Xeer Madaxweyne Lr. 13/082021

Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub

Markaan Arkay: Qodobka 44aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo tilmaamaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isugu yeedhayo Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub;

Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Sare ee summaddiisu tahay MS/GDD/28/2021, kuna taariikhaysan 07/07/2021, ujeeddadiisuna tahay Ansixinta Natiijada Doorashada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Tix-geliyey: Muhiimadda uu leeyahay fadhiga ugu horreeya ee Mudanayaasha Golaha Wakiilladu, si ay u maraan dhaarta Dastuuriga ah, isla markaana iskaga dhex-doortaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, si waafaqsan Faqradda 3aad ee Qodobka 44aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan Go’aamiyey;

In Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub ee dhawaan la doortay uu qabsoomo maalinta Salaasada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo. Fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net