Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Safiir ku-xigeenka Ingiriiska ee Addis Ababa iyo Nuxurka Arrimo laga wada-hadlay

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiir xigeen Cusub oo dawladda Ingiriiska dhowaan magacowday Safaaraddooda Addis Ababa, Danjire Cat Evans oo markii u horaysay socdaal ku timi Hargeysa shalay.

Ujeeddada Socdaalka Haweenaydan ku timi magaalada Hargeysa maanta, ayaa lagu lagu sheegay inay ku saabsan tahay Xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo isbarasho maadaama oo ay xilka ku cusub tahay.

Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa xukuumadda, ayaa Haweenaydan kulan saxaafaddu dibad-joog ka ahayd kula yeeshay Aqalka Madaxtooyada, haseyeeshee wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Md Mowliid Cali iyo Danjire Cat Evans oo markii kulankaasi dhammaaday si wada-jir ah ula hadlay saxaafadda, ayaa ka warbixiyey waxyaabaha laga wada-hadlay.

HALKAN KA DAAWO