Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Danjire Nicholas Kay iyo Qodobbo Xaasaasi ah oo ay ka wada-hadleen

Hargeysa (SLpost)- Ergayga Gaar ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaalida Nicholas Kay oo shalay socdaalkiisii labaad ku yimi Somaliland tan iyo wakhtigii loo magacaabay shaqadaas, ayaa maanta kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland oo kulan albaabadu u xidhnaayeen ku dhexmaray Qasriga madaxtooyada.

DSC_0124Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Danjire NIcholas Kay, ayaa kulanka ka dib, warbaahinta u faahfaahiyey qodobbo ay ka mid yihiin qalalaasaha dhinaca xuduudda ee ka aloosan gobollada Bariga Somaliland iyo sidoo kale doorka ay Qaramada Midoobay ka qaadan karto kor-u-qaadista dhinaca adeegyada bulshada ee ay ka taageeraan Somaliand.

HALKAN KA DHEGAYSO WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA

HALKAN KA DHEGAYSO DANJIRE NICHOLAS KAY

DSC_0093DSC_0134