Madaxweynaha Somaliland oo Kulan la yeeshay Wakiilka Dowladda Taiwan iyo Arrimo laga wada-hadlay

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka safaarada Dalka Taiwan ku leeyahay Caasimadda Hargeysa, Ambassador Allen C. Lou oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka mid ah madaxda safaraadaasi.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, ayaa lagu faahfaahiyey arrimaha lagaga hadlay kulan madaxweynuhu la yeeshay wakiilka dowladda Taiwan.

“Kulankaasi Waxa lagaga wada hadlay adkaynta xidhiidhka labada dal, xoojinta arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada dal. Sidoo kale waxa lagu lafo-guray sidii dalka Taiwan uga caawin lahaa Somaliland mashaariicda biyo ballaadhinta magaalooyinka siiba dhinaca qodista biyo-xidheenada iyo sidii dalalka Somaliland iyo Taiwan isaga kaashan lahaayeen arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada oo dalka Taiwan uu Jamhuuriyadda Somaliland ka gacan siiyo una fudaydiyo in Ardayda Somaliland ay ka helaan dalkaasi waxbarasho bilaash ah (Scholarships).

Ugu danbayntii, waxa uu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka iyo dawladiisaba dedaalka ay ugu jiraan adkaynta xidhiidhka labada Dal.

Waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.” Sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net