Madaxweynaha Somaliland oo Kormeerkiisi U Horeeyey Ku Tegay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

Hargeysa-(SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tegay xarunta guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadku ku leedahay gudaha caasimadda Hargeysa maanta.

IMG_4307Kormeerka uu madaxweyne Muuse Biixi ku tegay xarunta wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo ay ujeeddadiisu ahayd sidii uu xog-ogaal ugu noqon lahaa habsami-u-socodka hawlaha shaqo ee wasaaradda oo qaranka muhiim u ah isla markaana uu ugu kuur geli lahaa caqabadaha haysta,  ayaa waxa madaxweynaha halkaas kusoo dhaweeyey wasiirka wasaaradda horumarinta caadimaadka Mudane Xasan Ismaaciil Yuusuf, agaasimihiisa guud Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye iyo hawl-wadeennada kala duwan ee wasaaradda.

Ugu horrayn Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay inay hawsha wasaaraddu si habsami leh u socoto, isla markaana ay shaqaalaha iyo madaxdu iyaga oo isku duuban diyaar u yihiin fulinta dhammaanba ballanqaadyadii xisbiga KULMIYE ee ku wajahnaa kor u qaadista heerka caafimaad ee dalka iyo sidii ay bulshadu u heli lahayd daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo madaxweynaha halkaas kusoo dhaweeyey, ayaa muujiyey sida ay wasaaradiisu diyaarka ugu tahay inay  ficil u beddesho dhammaanba wixii uu xisbigu hore uga qorshaystay dhinaca daryeelka caafimaadka, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweyne waxaan  kugu soo dhaweynayaa wasaarad uu is-beddel badani ka muuqan doono oo aanu isku dayi doono in himiladii aad  lahayd, tii xisbigu lahaa iyo tii umaddu lahaydba inaga oo isku duuban aanu hirgelino oo annaga oo isku duuban oo si caddaalad ah wax u maamulayna in qof kasta oo Somaliland u dhashayba aanu isku dayno in aanu gaadhsiino adeeg caafimaad, cududda caafimaad ee maanta aynu haysaana ay tahay mid lagu kalsoonaan karo oo ka jawaabi karta baahiyaha caadimaad ee ina haysta.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna kormeerka wasaaradda horumarinta caafimaadka kadib halkaas hadal hogo-tusaalayn iftiiminta qiimaha ay bahda caafimaadku bulshada ugu fadhido halkaas ka jeediyey, ayaa sheegay inay shaqada caafimaadku ka xaasaasisan tahay dhammaanba shaqooyinka kale ee dhiggeeda ah, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Wasaaradda caafimaadka waxa laga rabaa aqoon, shaqadeeduna way ka duwan tahay shaqooyinka kale oo qaladoodkooda waa laga soo kaban karaa, laakiin qaladka ay galaan kalkaalisooyinka, umulisooyinka ama kuwa shaybaadhka ka shaqeeyaa lagama soo kaban karo oo qof baa ku dhimanaya ama ku naafoobaya, markaa waa inaynu xoogga  saarnaa dadka ka shaqaynaya bahda caafimaadka ee magacyada badan leh, ta labaad ee bahda caafimaadka laga rabaa waa anshaxa dhakhtarka, waayo umulisada, ninka shaybaadhka haya kalkaalisooyinka iyo dhakhtarkaba waxa la siiyey oo xirfadoodu siisay wax aan qof kale oo Bani’aadam ahi qaadi Karin.”

Madaxweynuhu isaga oo si gaar ah u iftiiminaya muhiimada shaqada adag ee ay bahda caafimaadku bulshada u hayso waxa uu ku tilmaamay ma daaleyaal qaranka ka mudan qaddarin iyo ixtiraam goonni ah, “Qofka isaga oo hurda soo kac la leeyahay ee isaga oo buka oo Neeras ah la leeyahay adigu ha bukoone kaalay ka kale dawee ee iyada oo hooyo ah ka imanaysa si ay cid kale u daweyso qarankaa lagu leeyahay inuu masuuliyad iska saaro daryeelkooda, xuquuqdooda iyo karaamada ay mudan yihiin, qarankuna dawladda ay oo saddex waaxood ka kooban, laba qolona ixtiraam gaar ah bay dalka ka mudan yihiin, kuwaas oo kala ah ciidamada iyo bahda caafimaadka,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu ugu baaqay dhammaanba shaqaalaha wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo mihnadleyaasha kale ee adeeggan ku lugta leh inay si waddaniyadi ku dheehan tahay dalkooda ugu huraan aqoontooda, isla markaana ay u adkaystaan duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan.