Madaxweynaha Somaliland oo kormeeray Degmooyinka Caasimadda oo diiwaangelintu ka socoto

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku gudo jira kormeer uu ugu kuurgelayo hannaanka ay diiwaangelinta cod-bixiyayaashu uga socoto degmooyinka kala duwan ee Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta soo kormeeray qaar kamid ah degmooyinka gudaha Hargeysa ee ay shacabku iska diiwaangelinayaan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeerkiisa kusoo indho indheeyey hannaanka ay shacabku isu diiwaangelinayaan, isaga oo indhihiisa kusoo arkay dadweyne safaf dhaadheer ugu jira sidii ay isu diiwaangelin lahaayeen, kuwaas oo madaxweynaha kusoo dhaweeyey sacab.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu warbixin ka dhegaystay madaxda Komishanka doorashooyinka ee goobaha uu booqday maamulayey, waxana ay sheegayeen inay bulshadu si xawli ah isu diiwaangelinayso.

Advertisement

Madaxweynaha waxa kormeerkiisa ku wehelinayey guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha, Mudane, Cabdirashiid Xaaji Ducaale (Qambi) Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Ganacsiga Mudane, Muuse Ibraahim Salaf, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Mudane Maxamed Cilmi Axmed iyo Maayarka caasimadda, Mudane,

Cabdikariin Axmed Mooge, sidoo kalena madaxweynuhu waxa uu mid kamid ah goobaha diiwaangelinta kula kulmay guddoomiyaha urur-siyaasadeedka KAAH, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

Advertisement