Madaxweynaha Somaliland oo ka Sheekeeyey Sooyaalkii Taariikheed ee Marxuum Cumar Carte Qaalib

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeyb-galay Aaska wadareed qaran oo loo sameeyey Marxuum Cumar Carte Qaalib iyo Marxuum Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle (Suldaan Indha-case) oo lagu Aasay Xabaalaha Baqiic ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka sheekeeyey Sooyaalkii Taariikheed iyo halgankii uu ku lahaa Xornimada Somaliland.