Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qeyb-galay Xafladda Qalin-jabinta Dufcaddii 18aad oo ka baxda Jaamacadda Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeyb-galay Xafladda Qalin-jabinta dufcadii 18aad ee Jaamacada Hagreysa  oo ay ka qalin-jabiyeen 1,157-Arday oo dhamaystay kulliyadaheeda kala duwan.

Munaasibadda Qalin-jabinta oo ku qabsoontay Xarunta Jaamacadda Hargeysa, waxa kale oo ka qayb-galay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka, wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno, siyaasiyiin, waalidiinta Ardayda qalin-jabisay iyo marti-sharaf kale.

Madaxweynaha Somaliland oo hadal ka jeediyey munaasibadda, waxa uu hambalyo u diray ardayda  kala duwan ee dhamaysatay kulliyadaha waxbarasho. waxaana uu yidhi “Waxaan hambalyeynayaa ardayda qalin-jabinaysa, waalidka kusoo tabcay bahda waxbarashada gaar ahaan Jaamacada Hargeysa iyo Madaxdeeda oo dhan, waxaan ku hambalyeynayaa Xaflada qiimahaa leh (1,000) kun Jaamici ee maanta kusoo kordhay aqoonyahanka Somaliland ee Hambalyo”.

Mudane Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in horumarka Somaliland uu ku jiro wada jirka ummadda iyo hoggaankooda waxaana uu yidhi “Walaalayaal in shaqo la helo in caafimaad la helo  in horumar la helo waxay ku xidhan tahay in talo wanaagsan la helo, talada wanaagsan ee maanta Somaliland maraysaa waxaa weeye, sannadka u danbeeyey guulaha Somaliland ay gaadhay waxa kamida inay maanta halkan wada joogaan oo ay tartan galaan oo ay kala badiyaan oo ay haddana is hambalyeeyaan, Axsaabta Somaliland iyo madaxdoodu iyagoo walaalo ah oo midaysan oo dalka hoggaaminaaya, in badan oo jaarkeena ah ama Geeska Africa ah ayaan taa haysan murcaarid iyo muxaafid waa wada Somaliland”.

Waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay dhalinyarada inaanay ku milmin xifaaltanka siyaasadeed ee dalka ka jira, waxaanu yidhi,  “Dhammaanteena waxaa laga rabaa gaar ahaan da’ayarta inaanay marmarka qaarkood xafiiltanka siyaasada ku qaldamin ee yoolkeenu ahaado Somaliland mid ah, horumarta, walaalnimo oo aan kala qoqobnayn, haddaad taariikhda dib u raacdo Somaliland markasta oo marxalad adagi ku timaado Ilaahay wuxuu waafajiyaa talada toosan,” ayuu yidhi Md Muuse Biixi.

Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey qaar ka mid ah Ardayda ka Qalin-jabisay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa.