Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Sannad-guurada 8aad ee Xuska Qoomiyadaha Ethiopia, Maantana Dalka ku soo Laabtay (SAWIRRO

Jigjiga (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Silaanyo iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo, ayaa saaka waxa ay ka qaybgaleen sidii ujeedada socdaalkuba ahaa inay kala qayb-qaataan xuska sanad guurada 8aad ee Qoomiyadaha iyo shucuubta Reer Ethiopia oo lagu qabtay Dawlad Deegaanka Soomaalida ee jigjiga.

IMG_0202Waxaana madaxweynaha iyo weftigiisu ay la qaateen sanad guurada qoomiyaha iyo shucuubta reer Ethiopia xuska sanad guuradooda 8aad, isaga oo madaxweynuhu ku hambalyey Raisal wasaaraha Ethiopia, Hayla Maryam Desalen iyo guud ahaan shucuubta reer Ethiopia ee aynu walaalaha nahay sanad guurada qiimaha badan u leh 85 qoomiyadood ee ku dhaqan dalkaasi, markii ay kulmeen madaxweynaha iyo raisal wasaaraha ka dib.

IMG_0026Waxa xusid mudan oo aan la hilmaami Karin in shacbiga Somaliland ee ku dhaqan jigjiga iyo Ethiopia ay ka mid ahaayeen dadkii sida qiimaha badan loogu soo dhaweeyey laguna sharfay inay si ka duwan ka soo qaybgalyaasha kale ay calankooda ula soo bixi karaan ugana muujiyaan fagaaraha weyn ee maanta la isku arkay.

IMG_0340Intaasi ka dib Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hogaaminaayey oo u soo ambabaxay dalka ayaa waxa si diiran loogu soo dhaweeyey laguna Xadka labada dal ay wadaagaan gaar ahaan Wajaale oo ay weftigu uga soo gudbeen dhinaca Somaliland weftigii soo gelbinaayey ilaa jigjiga ee wasiirada ahaana ay kaga noqdeen halkaasi.

IMG_0375Ugu danbayntii weftiga madaxweynaha Somaliland waxa si aad u qiimo badan loogu soo dhaweeyey Tuulooyinka, Degmooyin iyo Magaalada Gabiley oo  weftiga Madaxweynuhu ay soo mareen intii ay ku guda jireen socdaalkooda.

IMG_0025 IMG_0524 IMG_0516 IMG_0509 IMG_0506 IMG_0500 IMG_0489 IMG_0479 IMG_0426 IMG_0410 IMG_0398 IMG_0393 IMG_0380 IMG_0375 IMG_0370 IMG_0348 IMG_0341 IMG_0317 IMG_0308 IMG_0248 IMG_0145 IMG_0038

Somalilandpost.net