Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Munaasibad loo Sameeyey Dufcaddii 10 ee ka Qalinjabisa Jaamacadda Hargeysa (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta ka qeyb-galay xaflad balaadhan oo ay ku qalin-jabinayeen dufcadii 10-aad ee ka aflaxday jaamacadda Hargeysa oo tiradoodu dhamayd 744 arday oo wax ka bartay sagaal kuliyadood oo kala duwan.

Xafladii loo sameeyay qalinjabinta ardaydaas waxa ka soo qeyb galay Wasiirro, xisbiyadda qaranka, Xildhibaano iyo masuuliyiin kala duwan.

Gudoomiyaha Jaamacadda Hargaysa Dr. Cabdi Xuseen Gaas ayaa hadal uu munaasabadaas ka jeediyey waxa uu faahfaahiyey marxaladihii ay jaamacaddui soo martay guulihii ay gaadhay, caqabadihii ka hor yimid ee ay ka talaabsatay iyo himilada ay mustaqbalka ay hiigsanayso. Isagoo tilmaamay in ardayda maanta qalin jebuinaysaa ay tiradoodu gaadhayso Todoba boqol, afar iyo afartan arday oo wax ku bartay sagaal kuliyadood oo jaamacaddu leedahay.

IMG_0279Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo halkaa hadal ka jeedisay ayaa hambalyo u dirtay ardayda qalin jebisay, waxana ay sheegtay in xukuumad ahaan ay garab taagan yihiin ardayda sanad walba waxbarashadooda ku dhamaysanaya jaamacadaha dalka.

Wasiirka waxbarashadu waxa ay xafladaasi ka ballanqaaday inay xukuumaddu shaqaalaysiin doonto ardayda sanadkan ka qalin-jebinaysa jaamacadaha dalka, halka sidoo kalena ay kula dardaarantay ardayda inay sii wadaan aqoontooda isla markaana ay awoodooda saaraan dhinaca farsamada gacanta.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shirre oo sidoo kale xubin ka ah boodhka sare ee jaamacadda Hargaysa, ayaa sheegay in ardaydani ay yihiin mustaqbalkii dalka waxana uu u soo jeediyey ardayda inay ilaashadaan waddaniyadooda kana fogaadaan dhibaatooyinka ay leedahaya aafada tahriibtu. Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hadal uu ka jeediyay xafladaasi waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray ardayda qalin-jabisay iyo maamulka jaamacadda Hargeysa ee juhdiga geliyay inay arday tiradaas leeg ay soo saaraan.

Madaxweynuhu waxa uu ardayda ku dhiirigeliyay inay sii wataan waxbarashadooda, waxaanu tilmaamay inay dhalinyaradu tahay jiilka dalka xukumi doona mustaqbalka.