Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Aas Qaran oo Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Dr Cabdiraxmaan Geel

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas Qaran oo xabaalaha Malowle ee galbeedka Hargeysa loogu dameeyey Marxuum Dr. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Maxamed (Dr. Cabdiraxmaan Geel) oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Meydka Marxuumka waxa magaalada Nairobi ka soo qaadday Diyaarad khaas ah oo gelinkii hore ee maanta soo caga-dhigatay garoonka diyaaradaha Egal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Marxuum Dr. Cabdiraxmaan Geel oo kamid ahaa dhakhaatiirta sida samofalka iyo mutadawacnimada leh xirfaddiisa ugu shaqayn jirey bulshadiisa, waxa Aaskiisa madaxweynaha kala qaybgalay Boqollaal shacab iyo madax isugu jirta, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay murugada iyo ka qaadeen geerida marxuumka.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta, haldoorka bulshada, madax katirsan xukuumadda iyo dhakhaatiirta waaweyn ee dalka oo ay kamid yihiin Agaasimaha guud ee madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile, agaasimaha Barnaamujka shaqo-qaran, Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’addinka), guddoomiyaha hay’adda Keydka Raashinka qaranka iyo kahortagga masiibaayinka, Mudane, Faysal Cali Sheekh, xildhibaan Cumar Jaamac Faarax wasiirkii hore ee caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog), Dr. Axmed Saleebaan Jaamac (Shiine), Dr. Aadan Beergeel, Dr. Axmed Ibraahim Obolos, Dr. Cabdirashiid Xaashi, Mujaahid Cabdiwahaab Nakruuma oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhdii iyo samo-falkii marxuumka, waxana ay tacsi u direen ehelladii, qaraabadii iyo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu marxuumku k abaxay.

Marxuum Dr. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Maxamed, ayaa kamid ahaa dhakhaatiirtii ku suntanayd halgankii dalka lagu xoreeyey, waxana uu muddadii soddonka sano ahayd ee ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay safka hore kaga jirey gacan-qabashada iyo u gargaaridda dadka danyarta ah oo uu si hagar la’aan ah xirfaddiisa ugu adeegay.