Madaxweynaha Somaliland oo Hambalyeeyay Shaqaale-weynaha Qaranka, farriin dar-daaran xambaarsanna u diray 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda 1-da May awgeed, hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Shaqaale-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Nuxurka Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Oo Uu Madaxweyne Muuse Biixi Ka Jeediyey Xuska 36-guurada kasoo Wareegtay Maalinta Dhallinyarada SomalilandSida lagu sheegay war-qoraal kooban o madaxtooyadu baahisay, waxa uu madaxweynuhu shaqaalaha Somaliland, uga mahadnaqay gudashada xilalka iyo masuuliyadaha kala duwan ee ay Qaranka u hayaan iyo sida hagar la’aanta ah ee ay uga dhabar adayga duruufaha nololeed ee kala duwan.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu Shaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, ALLE uga baryey inuu ku asturo shaqooyinka kala duwan ee ay Qarankooda u hayaan, isagoo kula dardaarmay inay xoojiyaan saacadaha shaqada oo ay xil gaara iska saaran sidii ay u muujin lahaayeen waddaniyad una gudan lahaayeen waajibaadka ka saaran hawlaha muhiimka ah ee qaranka.