Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa guddi heer qaran ah u magacaabay Qaban-qaabada Qaban-qaabada Xuska 18-ka May ee Sannadkan oo ah maalintii ay Somaliland madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalweynihii laysku odhan jiray Soomaaliya oo Somaliland la midowday sannadkii 1960-kii oo ku beegnayd Afar maalmeed ka dib markii Somaliland xornimada ka qaadatay Guumaysigii Ingiriiska.
Digreetada Madaxweynaha ayaa u dhigneyd sidan: “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeeduna tahay JSL/M/MG/241-1695/042013 ku magacaabay Gudi heer qaran ah, qaban-qaabada Xuska 18-ka May. Gudidaas oo ka kooban 11 xubnood waxa Gudoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur).
Magacaabid Guddida Qaban-qaabadda Xuska 18 May ee Madaxweynuhu Magacaabay:-
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye) Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Wax-barashadda iyo Tacliinta Sare Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysigga iyo Khayraadka Badda Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Hargeysa
Ku: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Hargeysa
Ku: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda Hargeysa
Ku: La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka laga tirade badan yahay Hargeysa
Ku: Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Hargeysa
Ku: Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac Hargeysa
Ujeeddo: Magacaabid Guddida Qaban-qaabadda Xuska 18 May.
Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebbe idmo Xuska sanad guuradda 22aad ee maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah.
Sidaas darteed, waxa aan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sanad-guuradda 22aad ee maalinta Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.
Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qaranimo iska saari doonnaan xuska maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxa aan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.