Madaxweynaha Somaliland oo Guddi Heer Qaran ah u magacaabay Qaadhaan-ururinta iyo Abaabulka Dhismaha JIdka Ceerigaabo

SiilaanyoHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo, ayaa guddi heer qaran ah u magacaabay Qaadhaanka loo ururinayo Abaabulka dhismaha Waddada Isku-xidhaysa Gobollada Sanaag iyo Togdheer.

Guddidan oo madaxweyne Siilaanyo guddoomiye uga dhigay wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, waxa xubno ka ah Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Cismaan Saxardiid, Wasiirka Gaashaandhiga Axmed X. Cadami, Duqa Degmada Ceerigaabo Ismaaciil X. Nuur, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan,

xildhibaan Cali Oobsiiye Diiriye (Cali Gabiley), Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro), Maxamuud Aadan Dheri, Jaamac Saalax Maxamed, Marwo, Ilhaan Maxamed Jaamac iyo Marwo, Sacdiya Muuse Axmed.

Madaxweynuhu waxa uu Guddigan Faray in masuuliyadda uu u magacaabay ay ku gutaan dedaal iyo isku-duubni dhexdooda ah.

War-saxaafadeed Madaxweynuhu guddidan ku magacaabay, waxa uu ku faray, “Mudanayaal iyo Marwooyin, sida aad la socotaan, waxa ay xukuumaddu ku hawlan-tahay horumarinta Dalka, gaar ahaan dhinacyada kala duwan ee adeegga bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha,” ayuu yidhi madaxweynuhu.

“Haddaba, waxa socda ollolaha wadada Ceerigaabo oo aan dhawaan dhagax-dhigay, wadadaas oo Dalka u leh muhiimad weyn, wax-weyna ka taraysa dhinacyada kala duwan ee nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isku xidhka Dalka.

“Sidaas darteed Mudanayaal iyo Marwooyin, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaadhaan Ururinta iyo Abaabulka Dhismaha Wadada Ceerigaabo, waxaana Guddoomiye idiin noqon doonna Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda.

Waxaan idiin ku dardaarayaa dedaal iyo isku-duubni, waxaanan idiin rajaynayaa guul.”

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net