Madaxweynaha Somaliland Oo Golaha Wakiilada U Gudbiyey Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Cusub

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ka duulaya dhaqaajinta iyo hirgelinta arrimaha doorashooyinka Qaranka Somaliland waxa uu maanta Golaha Wakiilada Somaliland u gudbiyey wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/GW/081-875/062022, kuna taariikhaysan 11/06/2022 oo ah Xubnaha Loo Soo Xulay Inay Noqdaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Cusub.

Ujeeddo: Soo-gudbinta Xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee Cusub
Sida aad la socoto, waxa is-wada casilay Xubnihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Sidaas darteed, waxa aan halkan ku soo gudbinayaa toddobada xubnood ee loo soo xulay in ay noqdaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee cusub, si waafaqsan Qodobka 15aad, Faqraddiisa 4aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020, xubnahaasi oo buuxiyey shuruudaha xubinnimada Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee ku qeexan Qodobka 14aad ee Xeer Lr. 91/2020.
Sida ku cad Qodobka 13aad, Faqraddiisa 2aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020, waxa soo xulaya Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland (3 Xubnood), Golaha Guurtida (2 Xubnood), Axsaabta Siyaasadda ee diiwaan-gashan – Xisbiga WADDANI iyo Xisbiga UCID (2 Xubnood).
Haddaba, waxaan halkan kugu soo gudbinayaa xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin ee loo soo xulay Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee cusub:

No. Magaca Waxa soo kala-xulay
1. Muuse Xasan Yuusuf Madaxweynaha JSL
2. Axmed Cismaan Xasan Madaxweynaha JSL
3. Xuseen Cabdi Cali Madaxweynaha JSL
4. Axmed Yuusuf Maxamed Golaha Guurtida
5. Faadumo Ismaaciil Cabdi Golaha Guurtida
6. Cabdicasiis Xirsi Warsame Xisbiga WADDANI
7. Ibraahim Aadan Cali Xisbiga UCID

Waxaan rajaynayaa in aad ka gudan doontaan waajibaadkiina dastuuriga ah.” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi wareegtada.