Madaxweynaha Somaliland oo Furay Mashruuc lagu Horumarinayo Ka-faa’idaysiga Caanaha

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta Xadhigga ka jaray Mashruuc la xidhiidha horumarinta iyo ka-faa’idaysiga Caanaha, kaas oo Midowga Yurub Maal-galiyey, isla markaana ay si wada-jir ah u fulinayaan Wasaaradda Xannaanaha Xoolaha Somaliland iyo Hay’adda Qaramada u qaabilan Cuntada iyo Beeraha ee FOA.

Munaasibad lagu daah-furay mashruucan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Wefti ka socday Midowga Yurub oo u hoggaaminayo Safiirka EU-da u fadhiya magaalada Nairobi, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda, saraakiil ka socotay hay’ado Caalami ah iyo kuwo Maxalli ah oo dalka ka hawl-gala iyo Marti-sharaf kale.

Waxa Munaasibaddaas hadallo kooban ka jeediyey Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Xannaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw-Dahir oo labadooduba Midowga Yurub uga mahad-celiyey taageerada ay ka geysteen mashruucan, iyaga oo taabtay muhiimadda ka-faa’idaysiga iyo kobcinta Caanuhu u leeyihiin bulshada.

Mashruucan oo noqonaya Wejigii kowaad ee lagu maal-gelinayo sidii lagu horumarin lahaa Caanaha Xoolaha, waxa uu Midowga Yurub ku bixiyey 4 Milyan oo Yuuro iyo $400,000 (Afar boqol oo Kun oo Dollar) oo hay’adda FOA bixinayso, sida uu sheegay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw-Daahir.

HALKAN KA DHEGAYSO HADALLADII WASIIRKA iyo MADAXWEYNAHA

SOMALILANDPOST.NET