Madaxweynaha Somaliland oo Furay Dhismaha Terminal-ka Cusub ee Madaarka Berbera oo loo hibeeyey dawladda Kuwait

Berbera (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta furay Terminal cusub iyo xayndaab loo dhigsay Madaarka Berbera, kaas oo ay maalgelisay dawladda Kuwait.

Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno wasiirro ah oo wehelinayey oo shalay gelinkii hore Madaarka Hargeysa diyaar khaas ah, ayaa ka degay Madaarka diyaaradaha ee Berbera, waxaana halkaas ku qaabiley masuulliyiin Maamulka Heer Degmo, Gobol iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Duulista oo uu ugu horreeyo Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi.

IMG_0602Soo-dhawaynta Madaxweynaha kaddib, waxa munaasibad si heersare ah loo agaasimay oo lagu qabtay dhismaha Terminal-ka xadhiga laga jaray, waxa madaxweyne ka-sokow ka qayb galay Marwada koobaad Marwo Aamina-waris Sh Maxamed Jirde, Wasiirrada Duulista, Madaxtooyada, Hawlaha Guud, Qorshaynta, Waxbarashada, Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Wakiiladda iyo Guurtida, Maaamulka gobolka iyo ka degmada Berbera iyo Dublamaasiyiin ka socday safaradaha Yemen, Itoobiya, Turkiga iyo marti sharaf tiro badan.

Munaasibadda oo lagu qabtay qaybta soo-dagayaasha ee dhismaha cusub ee Terminal-ka Madaarka oo loogu magac-daray Kuwait Terminal, waxa ugu horayn ka hadlay Agaaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan oo faahfaahin ka bixiyey geeddigii uu soo maray dhismaha Terminalka Cusub ee Madaarka Berbera.

DSC_0189“Mudane Madaxweyne, sharaf weyn ayey ii tahay inaan kugu soo dhaweeyo dhamaystirka mashruucan weyn ee aanu ka hirgelinay madaarka Berbera, waxa xusid mudan taageerada dhaqaale ee uu ina siiyey Boqorka dalka Kuwait, Eebbe ha xafidee, iyo sanduuqa Kuwait Fun. Mashuurcan aanu dhamaynay waxaanu bilownay sanadkii 2012-kii, maanta waxaynu dhamaanteen markhaati ka nahay in la xaqiijiyey himiladii dhismaha Terminalka iyo Xayndaabka madaarka,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista.

Maayarka Berbera Md Cabdishakuur Maxamuud Ciddin oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaanu aad u soo dhawaynaynaa oo anaga degmo ahaan muhiimad weyn noogu fadhiya Dhismaha Terminalka casriga ah ee inoogu hirgalay ogolaanshaha Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaayo, gobolkani waa mid qani ah oo hibooyin badan. Terminalkani wuxuu ka mid noqonayaa hibooyinka gobolka, sidoo kale waxaan xaqiijinayaa in Terminalkani uu ka qurux badan yahay kuwo ay leeyihiin waddamo badan oo Aqoonsi haysa, waxa kale oo aanu ku farax sanahay ka gobol ahaan dib u furida madaarka iyo Diyaaraha inoo soo noqday.”

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa yidhi, “Illaahay ayaa ku mahad leh in hawshani ay inoo qabsoonto, iyadoo magaca Maxweynaha Somaliland-na uu ku suntan yahay. Sidoo kalena Mudane Madaxweyne Waxaan halkan hortaada ka soo jeedinayaa in shahaado sharaf Qaran la siiyo Wasiirka Duulista Mudane Maxamuud Xaashi oo hawshaas qabtay oo runtii dhabar adayg weyn muujiyey.”

DSC_0079Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi, “Marka hore Illaahay ayaa mahad oo dhan iska leh, sidoo kale waxa mahadsan dawladda Kuwait oo mashaariicdan inagu taageertay. Waxa kale oo xusid mudan shirkadii dhismahan hirgalisay aynu u mahad celino, waxa kale oo aan jecelahay inaan halkan amaan iyo bogaadinba ugu diro Wasaaradda Duulista Somaliland, gaar ahaan Wasiirka oo runtii intii uu joogay wax weyn ka qabtay Garoonada dalka. Mudane Maxaweynaha munaasibadan aynu maanta halkan isugu nimid, ee furitaanka madaarkani, wuxuu leeyahay ahmiyad Gobol iyo mid Qaran, madaarkani wuxuu leeyahay saamayn maqaam iyo mid dhaqlaale.”

Wasiirka Qorshaynta ayaa sidoo kale intaas ku daray, “Mudane Madaxweyne maanta dhismihii waynu haynaa, waxaanan Wasiirka iyo Wasaaradda duulista ku boorinayaa in dhismaha laga hawl galiyo, maamulkii hufnaa iyo shaqaale carbisan, madaxweyne si aynu uga faa’iidaynsano dhismahan quruxda badan waxaaynu u baanahay inay diyaarado yimaadaan. Haddii kale Berri wuu iska caarayaysanayaa, Dhasbaana dabooli doona, markaas waxaanu u baanahay inayu madaarka adeegsano, waxaana aynu haysanaa qodobbo badan oo sabab u ah in la adeegsado madaarka Caalamiga ah ee Berbera,” ayuu yidhi Wasiirka Qorsheynta Qaranka somaliland.

DSC_0218Wasiirka Duulista Hawada iyo gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa yidhi, “Mudane Madaxweyne, Mudanayaal iyo marwooyin milgo iyo maamuus weyn ayey maanta noo tahay inaad nagala soo qayb gashaan munaasiban aynu ugu wanqalayno Terminalka Cusub iyo xayndaabkan aynu u samaynay Madaarkeena Bebera, mashruucan oo soconayey mudo dheer wakhtigii loogu tallo galayna dib uga dhacay mudo dheer sababo badan awgood, bishii September 2012-kii ayaanu dhagax dhignay, shirkadii qandaraaska heshay waxa ka hor yimid caqabado farsamo oo ka Wasaarad ahaan iyo Hay’adda Kuwat Fun aanu garwaaq sanay, meeshan Terminalka laga dhisay waxay ahayd Garoon milatar, oo ay ku aasnaayeen Hub badani, Godad hoosana leh oo diyaaraha dagaalku galaan, arrintaas oo aan qandaraaska ku jirin ayaa soo baxday, shirkadda dhismaha samaynaysay ee Itoobiyaanka ahina waxaan ugu mahad naqayaa waxba nagumay kordhin xagga dhaqaalaha, laakiin dib u dhac xagga wakhtiga ah ayey keentay arrintaasi.”

Wasiirka Duulista iyo Hawadda Somaliland ayaa sidoo kale ka hadlay kharashkii ku baxay dhismaha mashaariicda laga hir galiyey Madaarka Berbera “ Mashruucan waxa ku baxya 4, 438.000 $ (Afar milyan afar boqol iyo sideed iyo sodon kun oo doolar), waxa shaqadaas lagu qabtay Terminalkan aynu fadhino oo ka kooban 2500 Mitir isku-weer, oo isugu jira qayb lagu soo dago iyo qayb laga dhoofo, xafiisyo, masaajido, musqulo iyo dhamaan wax wal oo looga baahan yahayTerminal Caalami ah, waxaanu buuxinay shuruudaha looga baahan yahay dhamaantood.”

Wasiirka Duulista oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Mudane Madaxweyne Mudanayaal iyo marwooyin madaarkani wuxuu qoran yahay ilaa maanta Madaar Milatari, Hay,’adda duulimaadyada ee Qaramada Midoobayna waxay u aqoonsan tahay madaar Milatari, sidii loo galiyayna lagama saarin xogtaas, Siyaasadda Xukuumadda Somaliland waxa weeyi in madaarkani uu ka baxo taas oo uu noqdo madaar madani ah. Terminalkan iyo Xayndaabkani waxay inoo suuro-galinayaan maanta wixii ka dambeeya in uu madaarkani noqdo mid toos u shaqeeya, oo ka baxa diiwaanka madaaradda Milatariga, kuna biira madaaradda madaniga ah, shalay muu ahayn garoon caalami ah, laakiin maanta waxaanu ka dhignay garoon caalami ah, afar sano iyo badh Xukuumadda Madaxweyne SIilaanyo waxay qaranka u samaysay laba garoon oo Caalami ah,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo gebo-gabadii munaasibadda ka hadlay, ayaa yidhi, “Farxad weyn ayey ii tahay maanta (shalay) inaan ka soo qayb galo xafladda furitaanka Terminalkan ay inoo dhistay dawladda Kuwait, Terminalkani ahmiyad aad iyo aad ah ayuu u leeyahay dalkeena iyo dadkeenaba, waa mid qiimo iyo qaayo leh, sidaynu u aragno, oo macno weyn inoogu fadhiya, oo caalamiya wax weyna ku soo kordhinaya dhaqdhaqaaqa dalkeena Insha Allah.”

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa u mahad-celiyey dawladda Kuwait, waxaanu yidhi, “Madaarkani waa mid aynu ku faanayno, sidaa daraadeed waynu u mahad naqaynayaa dawladda Kuwait iyo ciddii gacan ka gaysatayba, dawladda Kuwait waxaan leeyahay aad iyo aad ayaan u mahadsan tihiin, markaa inaguna waxaynu ku dadaalaynaa in waajibaadka ina saaran iyo wixii inala soo gudboonaada inaynu fulino oo aynu qabano dalkeena iyo dadkeenaba wixii anfacaya, xilka iyo intii inagu soo beeganta inaynu qabano oo si fiican u fulino.”

Dhinaca kale, Waxa isla shalay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa soo-fadhiisatay diyaaradda Ethiopian Airlines oo siddatay Saraakiil u dhashay dalka Itoobiya oo munaasibadda ka qayb-galay.