Madaxweynaha Somaliland oo Farriin cad u diray Qaramada Midoobay

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaalida ku eedeeyey inuu wado shirqoollo qarsoon oo lagu dibin-daabyeynayo qarannimada Somaliland.

Madaxweyne Biixi oo khudbad ka jeediyey shirka 7aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxa kale oo uu caddeeyey in mudnaanta koowaad ee xukuumadda uu hoggaamiyaa yahay ilaalinta qarannimada iyo madax-bannaannida Somaliland, islamarkaana aan cidna looga habranaynin difaaca qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

“Mudnaanta koowaad ee xukuumaddu waa inay ilaaliso madax-bannaanida iyo qarannimada Somaliland oo aanay culays kasta oo yimaadda, hadduu yahay mid siyaasi ah, mid ciidan iyo mid dhaqaale oo lagu gacan-maroojinayo aanay u dhaqaaqin oo ay lasoo istaagto madax-bannaanida qaranka, xukuumad ahaanna taasaanu isu taagaynaa, nin kasta oo ciidan badan leh, nin kasta oo qumbulo-durriyo leh iyo cid kasta oo lacag badan leh, midna looga habran maayo qarannimada Somaliland madax-bannaannideeda,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin cad u diray hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwaas oo uu tilmaamay inay wadaan shirqoollo qarsoon oo lagu dibin-daabyeynayo qarannimada Somaliland, isagoo Wakiilka Xoghayaha Guud ee UN-ta uga digay inuu waxyeeleeyo ixtiraamka ka dhexeeya dawladnimada Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

“Sannadahan dambe hay’ado aan siyaasadda gelin oo ay ka mid tahay Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa oo ay ka mid yihiin hay’ado badan oo isku magacaaba samo-fal oo cashuur bixiyayaasha dalalkooda lacag kaga urursada waxaanu gargaaraynaa dad baahan, sannadahan dambe waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimaysa Qarannimada Somaliland oo ah inay fuliyaan amarrada laga siiyo VILLA SOOMAALIYA (Madaxtooyada Soomaaliya) ee dawladdaas ay iyagu ilaaliyaan ee mushaharka ka bixiyaan bay soo gudbiyaan amarradeeda, taasina ma suuroobayso,” sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi.

“Wakiilka Qaramada Midoobay ee Xamar joogaa wuxuu u joogaa Soomaaliya, annaguna waannu ixtiraamaynaa Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, diyaarna waannu u nahay inaanu la shaqayno, dawlad kasta oo caalamka ahna walaaltinimo iyo wada-shaqayn baannu u haynaa, inta aanay kusoo xad-gudbayn sharaftayada iyo Qarannimadayada, waxaannu ka rabnaa inaanu wada dhaqanno annaga oo is ixtiraamayna”.

Madaxweynuhu isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu digniin culus u diray Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo hay’adaha kale ee ku abtirsada, “Ka yeelimayno Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa hay’adaheeda iyo kuwa kale ee samo-falka sheegta inay noo soo qaadaan qorshe iyo amarro laga soo bixiyey Xamar oo ay nagula dhaqmaan oo ay keenaan Somaliland, waana xaaraan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net