Madaxweynaha Somaliland oo Dawladda iyo Shacabka Turkiga ka tacsiyeeyay Geerida 270 Qof oo God Macdanta laga Qodo ku Shuf-beelay

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa dawladda iyo shacbiga dalka Turkiga ka tacsiyadeeyay khasaarihii balaadhnaa ee ka dhashay godad macdanta laga qodo oo dab qabsaday gelinkii dambe ee maalintii Salaasadii todobaadkan, halkaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 270 oo qof.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca shacbiweynaha JSL, waxa uu ka tacsiyadeynayaa dawladda iyo shacbiga Turkiga muwaadiniintii wadankaasi ee ku naf waayay mid ka mid ah goobaha macdanta laga qodo oo dad qabsaday, iyadoo ay shilkaasi ku dhinteen ALLE ha u naxariistee dad ka badan 200 oo qof, halka wali ay socoto dedaalo lagu badbaadinayo illaa saddex boqol oo qof oo kale oo ku hoos jira godkaasi.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaal tacsi ah u diray Raysal wasaaraha Turkiga Md. Recep Tayyip Erdogan, waxaanu madaxweynuhu sheegay inay qaran ahaan dawladda iyo shacbiga Somaliland shilkaas dhimashada weyn keenay, dareen ahaanna ay xanuunka shilkaasi ka dhalatay ay la qaybsanayaan walaalahooda Turkiga.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu dadka shilkaasi ku dhintay ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, waxa kale oo uu EEBE uga baryay dadka baadi goobka loogu jiro ee ku hoos jira godadkaas macdanta inuu ILAAHAY ka samato bixiyo.”

 

SOMALILANDPOST.NET