Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u fidiyey 517 Maxbuus iyo Ciidda uu amray fulinta go’aankan

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu cafis ugu fidiyey 517 Maxbuus oo ku jira Xabsiyada kala duwan ee dalka, waxaanu fulinta go’aankan cafiska ah madaxweynuhu u xil-saaray xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka.

 

Cafiska madaxweynuhu u fidiyey maxaabiista, ayaa ku soo beegmay xuska munaasibadda 28-guurada maalinta madax-bannaanida Somaliland, iyadoo go’aanka madaxweynuhu ka duullayo munaasibaddan awgeed.

War-saxaafadeed xambaarsan Wareegtada madaxweynuhu xafiska ugu fidiyey maxaabista, ayaa u qordheyd sidan:-

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-310/052019, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Cafis Guud

 

Markaan Arkay:      Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay:      Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149aad;

Markaan Tixgeliyey:          In Xuska 18 May Awgeed Cafis Loo Fidiyo Maxaabiista Dembiyada Fudud Ku Xukuman;

Markaan La-tashaday:        Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

1)         In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 517 (Shan Boqol Toddoba iyo Toban) maxbuus.

2)         Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhashay dembiyada ay ku xukunnaayeen maxaabiistaasi, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

3)         Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan.”