Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u fidiyey 484 Maxbuus oo Xabsiyada dalka ku jira

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu maanta soo saaray oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-650/042021, waxa uu uu Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu fadliga curashada bisha Barakaysan ee Ramadan cafis ugu fidiyey 484 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista dambiyada fudud ugu xidhan xabsiyada dalka kaddib markii uu tixgeliyey warbixin 5-tii bishan April uu u soo gudbiyey Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta.

Wareegtada madaxweynaha, waxa ay u qornayd sidan:- Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;
Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;
Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/122/2021, kuna taariikhaysan 05/04/2021;
Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/111/2021, kuna taariikhaysan 06/04/2021;
Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 484 (Afar Boqor iyo Afar iyo Siddeetan) maxbuus.

Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan.” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi wareegtadiisa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net