Madaxweynaha Somaliland oo Bogaadiyey Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo uu Xil-gudashadooda ku majeertay

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa bogaadiyey Shaqada ay Qaranka u hayaan Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku ammaanay hufsanaanta xil-gudashadooda oo uu majeertay.

Madaxweyne Biixi oo maanta hadal ka jeediyey Munaasibad uu xadhigga kaga jaray Dhisme Cusub oo loo hirgeliyey Xarunta Guddiga Qandaraasyada, waxa uu ammaan u jeediyey Xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo uu isagu magacaabay horaantii sannadkii 2018-kii, waxaanu ku bogaadiyey inay halkaa ka sii wadaan hawsha Qaran ee ay hayaan.

“Waxaan u mahad-naqayaa qoladiina boodhka cusub ee labada sanno ee dhadhaw shaqaynayey. Hora magac wanaagsan baad leedihiin, dadka shacabka iyo umadduba ammaan ayay idiin haysaa, in kastoon idhaahdo waa hawshii loo diray, haddana aad baad u nasiib badan tihiin, idinkuna waa dedaasheen, Illaahayna wuu idinka aqbalay mar haddii umaddiinu idinka raalli tahay, anna waan idiin mahad-naqayaa mar haddii hawshii qaranka ee laydiin dhiibay aad si fiican u gudateen,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo hadalkan ka jeediyey Xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka Madaxweynaha