Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa oo Si Meeqaam Sare ah loogu Soo Dhaweeyey Gegida Diyaaradaha ee Addis Ababa + SAWIRRO

 

Addis Ababa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaaminayey, ayaa si meeqaamkeedu sarreeyo loogu Soo dhaweeyey magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Weftigiisa, ayaa maanta Gelinkii dambe ka duulay gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa iyagoo socdaal ugu baxay dalka Itoobiya oo marti-qaad rasmi ah uu ka helay.

Weftiga Madaxweynaha waxa madaarka Diyaardaha ee Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa ku Soo dhaweeyey Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibeda ee Itoobiya Dr Aklilu Hailemecheal, waxaanay qadar nasasho ah oo ay ku qaateen qolka martida ee madaarka kaddib uga sii gudbeen goobta loogu talogalay martida madaxweynaha.

Sidoo kale, waxa weftiga halkaa kaga biiray wasiirka Arrimaha dibeda iyo iskaaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay wehelinayaan masuuliyiinta safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay dalkaasi.

Daawo SAWIRRADA soo dhaweynta Madaxweynaha iyo Weftigiisa