Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa oo Shir Ballaadhan la yeeshay Ergadii ugu Badnayd ee Gobollada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti culus oo ku guda jira safarka uu ku joogo Gobolka Sool, ayaa shirkii ugu ballaadhnaa la yeeshay madaxdhaqameedka saddex gobol ee Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle.

siilanayoShirkan oo ka dhacay degmada Adhi-caddeeye ee Gobolka Sool galinkii dambe ee maanta, kana qaybgaleen madax badan oo ka tirsan Qaranka oo ay ka mid yihiin; Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, wasiirro badan oo ka tirsan xukuumadda iyo boqolaal ka mid ah madaxdhaqameed, odayaal iyo waxgarad isaga kala yimi deegaamada Gobollada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle, waxa ujeeddadiisa guud ahayd sii ambo-qaadida gogoshii nabadeed ee Madaxweynuhu hore ugu fidiyey shacabka gobollada bari, waxaanna lagu gorfeeyey sidii bulshada gobolladaasi ay wax ula qabsan lahaayeen shacabka kale ee reer Somaliland, meelna looga soo wada jeedsan lahaa difaacadda iyo taageeridda qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana meel isula dhigi lahaa, uguna midoobi lahaayeen meelmarinta himilooyinka iyo wadajirka dal iyo dad ahaanba madaxbannaanida iyo Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

siiilaanyoShirka oo furitaankiisii khudbado laga jeediyey waxa ka hadlay wasiirro, Guddoomiyayaasha xisbiyada KULMIYE iyo UCID iyo madaxdhaqameed fara badan oo kala matalayey ergada ka qaybgalay.

jjiUgu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey xidhitaankii shirkaasi, ayaa kaga hadlay tabashooyinka deegaannada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle, Midnimada iyo wadajirka Ummadda, Diiwaangalinta, Adkaynta Nabadgalyadda iyo Horumarka, waxaannu halkaasi kaga dhawaaqay shirkii ugu baaxadda waynaa ee gogasha nabadda Gobollada bariga oo lagu qaban doono magaalada Burco 25/10/2016.

silanyo silanyoo silanyooo siilllanyo jji