Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu hogGaaminyay oo soo Gaadhay Magaalada London (SAWIRRO)

London (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo weftigii uu hogaaminyay ee socdaalka Shaqo ku tagay dalka Maraykanka, ayaa saaka subaxnimadii kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Heathrow airport ee magaalada London, waxaana qolka marti sharafta kusoo dhaweeyay safiirka Somaliland u fadhiya Boqortooyada Ingiriiska Md Cali Aadan Cawaale, xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali, Maareeyaha Telefiishanka qaranka Khadar Xasan Cali Gaas iyo Gudoomiyaha telefiishanka ee Yurub Cabdi Bacow iyo Jaaliyadda Somaliland ee dalkaas.

Weftiga

Weftiga madaxweynaha oo ka koobnaa Marwada Koowaad ee qaranka Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, wasiirka arrimaha dibadda Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, iyo wasiirka madaxtooyada Somaliland Md Xersi Xaaji Cali Xasan, ayaa kasoo laabtay dalka Maraykanka, halkaasi oo ay kulamo kale duwan kula soo yeesheen muddadii ay ku sugnaayeen masuuliyiin sare oo ka tirsan wasaarada gaashaandhiga (Pentagon), wasaarada arrimaha dibadda,baarlamaanka Maraykanka iyo shirkado dhinaca maalgashiga ah. Sidoo kale weftigu waxay maalintii Sabtidii kulan balaadhan la yeesheen jaalliyada Somaliland eek u dhaqan dalka maraykanka Magaalada Washington, iyagoo uga xog waramay xaalada guud ee dalka iyo waxyaabihii uga qabsoomay kullamadii ay masuulyiinta Maraykanka layeesheen muddadii ay ku joogeen dalkaasi. Munaasabadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa dadku ka kale yimaadeen meelo aad u kale durugsan oo ilaa gobolada fogfog ee Koonfurta Maraykanka iyo dalka Kanada ah, qaarkood in ka badan 12 saacadood soo kaxaysteen gawaadhi.

Dhinaca kalena, waxa madaxweynuhu intii uuu ku sugnaa qolka marti sharafta ee Heathrow Airport kula kulmay Guddoomiyaha Isbahaysiga Mucaaradka Kenya horena u ahaa Raysal wasaarihii hore ee dalkas Raila Odinga oo goobta ku sugnaa.

We Odinga Ba A&M

Somalilandpost.net/London