Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo u kicitimay dalka Itoobiya si ay uga qaybgalaan aaska ra’iisalwasaarihii hore ee Itoobiya oo lagu waddo in la aaso Berri

Hargeysa (SLpos)-Madaxweynaha Somaliland iyo Wefi uu hoggaamiyo, ayaa maanta u anbabaxay dalka Itoobiya oo ay kaga qaybgalayaan aaska qaran ee loo samaynayo, ra’iisalwasaarihii horre ee dalka itoobiya ee Melez oo maalinta berra ah la aasi doono. Kadib markii ra’iisalwasaaruhu toddobaad ka hore ugu geeriyooday dalka Beljum xunnuun muddo ahayey.

Madaxweynaha Somaliland ayay safarkiisa ku weheliyaan masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ay ka mid tahay marwadda Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde (Aamino-werris), wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar, Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xassan.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxaa garoonka caalimigga ah ee Cigaal International Airpot ku sii sabootiyey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka tirsan golayaasha Qaranka.

Dhinaca kale madaxweyne ku-xigeenku wuxuu kormeer ku soo maray gagida diyaaradah ee cigaal interanational Airpost oo warbixinno kala duwan ka dhegaystay sida ay hawshu u socto wasiirka duulista iyo hawda Somaliland  Md Maxamuud Xaashi Cabdi iyo masuuliyiinta shirkada gacanta ku haysa garoonkaasi.

SOMALILANPOST.COM