Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Dalka Maraykanka

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaraaha Dulles ee magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo oo shalay gelinkii dambe ka dhoofay gegida diyaaradaha Hargeysa, ayaa xalay xilliyo dambe ka amba-baxay garoonka diyaaradaha Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa oo weftigu ku nastay.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Washington oo weftigu gaadheen 5:00 galabmimo ee Axadda maanta saacadda Bariga Afrika, kuna beegan 10-ka subaxnimo, waxa weftiga soo dhaweeyey saraakiil ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka, Safiirka Somaliland u fadhiya Maraykanka Bashiir Good iyo jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka oo ku gaashaman calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Weftiga Madaxweynaha Somaliland, waxa xubno ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud, Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiir Warfaafinta, wacyigelinta iyo Dhaqanka Saleebaan Cali Koore, Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Wasiirka Degaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Waxa kale oo Weftiga Xubno ka ah madaxda shirkadaha ganacsi ee ugu waaweyn dalka qaarkood iyo sidoo kale Madaxa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr Jaamac Muuse Jaamac.

Socdaalka madaxweynaha oo ka dambeeyey marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Maraykanka, ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato saraakiil ka tirsan dowladda dalkaas oo ay ku jiraan madaxda wasaaradda Gaashaan-dhigga ee Maraykanka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu maalinta Berri oo ku beegan 14-ka March khudbad ku saabsan sii xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland ka jeedin doonaa Golaha Heritage Foundation.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net