Madaxweynaha Somalia Oo Cambaareeyey Qarax Ka Dhacay Baladweyne

Muqdisho (SL.Post) Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa si kulul u Cambaareeyey Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Galbeedka Degmada Beledwyeyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

img_ff81e1-c31a43-3f5052-b65188-daaaf9-4f9351

“Inaa Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun, Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan Qoysaska iyo Ehellada intii ku Geeriyootay Weerarkii Argagaxiso ee Maanta magaalada Baladweyne ka dhacay. Waxaana Eebbe uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo intii dhimatay, inta dhaawacantay waxaan Alle uga baryayaa inuu Caafimaad deg-deg ah siiyo.” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxeyne Xasan Sheeh oo la hadlay Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle , ayaa kaga tacsiyeeyay khasaarihii uu qaraxa Beledweyne ee ay Al-shabaab ka dambeysay kasoo gaaray ciidankiisa qaybta ka ah hawlgalka nabad-ilaalinta AMISOM.

Xasan Sheekh ayaa xusay in kooxaha Nabad-diidka ah ee Al-shabaab, ay ku hawlan yihiin dhibaateynta shacabka, halka Dowladuna ay ku hawlan tahay sidii shacabka loogu horseedi lahaa Nabad, Horumar iyo Barwaaqo.

Ugu dambayn, Saldhig ay ciidamada Jabuuti ku leeyihiin Baladweyne, ayaa lagu weeraray saakay qarax Ismiidaamin ah, iyadoo sidoo kalena saldhiga gudihiisa la isku weydaarsaday  rasaas khasaare badan geysatay.

 

Sooltoday/News