Madaxweynaha Somalia Baaq U Diray Guddida Doorashooyinka Iyo Beesha Caalamka

Muqdisho  (SL.Post) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa baaq ku aadan doorashooyinka 2016 u diray qaybaha kala duwan ee bulshada , guddida doorashooyinka ee dadban iyo beesha caalamka.

 

 

 

 

 

“Waxaan u mahad-naqayaa dhammaan shaqaalaha Dowladda oo iyagoo ku shaqeynaya duruufo Adag, haddana aan marnaba ka daalin inay Qarankooda si daacad ah ugu Adeegaan. waddanku doorashooyin ayuu galayaan dhawaan, guddiyo iyo hay’ado mucayin ah ayaana hawsha qaban doona. Sidaa darted waxaan shaqaalaha ka codsanayaa inaanay siyaasadda iyo Doorashooyinka ku mashquulin, laakiin ay waqtigooda geliyaan dhismaha waddanka iyo u Adeegidda shacabka.” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaaliya

 

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi  “Marka laga soo tago waajibaadka laamaha amniga, waxaa kale oo hirgelinta doorashadan door ku leh odayaasha dhaqanka. Waxaa oday-dhaqameedka laga doonayaa inay maskaxda ku hayaan in sanadkan ay doorashada dhacaysa ka yara sarreyso tii hore, maadaama wax la kala dooranyo, Tiro mucayin ah oo shacabka ka mid ahna ay codkooda dhiiban doonaan. Waxaan kaloo ugu baaqayaa Odayaasha in ay Hannaankaan fududeeyaan, Guddiyada kala duwan la shaqeeyaan, isla markaana ay si Caddaalad ah waajibaadkooda u gutaan.” ayuu Xasan Sheekh

 

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya waxa kale oo uu fariin dardaaran ah u diray guddida doorashooyinka, waxaanu yidhi  “Guddiyada doorashada dadban ee heer Federaal iyo heer maamul-goboleed waa in ay la shaqeeyaan odayaasha dhaqanka, Madaxda maamullada Dalka ka jira iyo shacabka iyagoo caddaalad iyo sinnaan kula dhaqmaya mushaxiriinta. Dadka Soomaaliyeed waajibaad ayay idin saareen, waxayna idinka sugeysaa inaad waajibaadkaasi siday tahay aad u gudataan. Madaxda maamul-goboleedyada, iyana waxaan farayaa inay amniga iyo Tas-hiilaadka kale ee suuragelinaya qabsoomidda doorashada gacan buuxda ka geystaan.” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh

 

 

 

Somalilandpost.