Madaxweynaha oo Shacbiga ka Tacsiyadeeyay Shan Muwaadin oo shil Baabuur ku dhintay

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen shan qof oo muwaadiniin ah oo ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay duleedka galbeed ee caasimadda Hargeysa.

u_106884d_2013-8-3-11-43-42f_tacsi-siilaanyo-316x300

Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi oo uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, Qoysaskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geeridii ku timid Alle ha u naxariistee 5 qof oo muwaadiniin ah oo shil baabuur ugu geeriyooday 19/11/2013 galbeedka Hargeysa.

ALLE ha u naxariistee muwaadiniintaasi waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland illaahay uga rajeeyey inuu naxaristii janno ka waraabiyo Eheladii iyo qaraabadii ay ka tegeena Illaahay samir iyo iiman ka siiyo.

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah uga tacsiyadeeyey Gudoomiyaha Shirkada Somcable Maxamed Aw Siciid Geedi oo walaalkii Maxamuud Aw Siciid Geedi uu ku geeriyooday shilkaasi, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu caafimaad u baryey dhamaan dadkii ku dhaawacmay shilkaasi in illaahay caafimaad sareecana uu siiyo.”

Somalilandpost.net

Hargaysa