Madaxweynaha oo Shacabka iyo Qaraabadii ay ka baxeen ka tacsiyadeeyey Shan Marxuum oo Maanta Shil-baabuur ku Geeriyooday

Madaxweynaha Somaliland

madaxweyne siilaanyoHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii ay ka baxeen shan qof oo ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera.

Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, Qoysaskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geeridii ku timid Alle ha u naxariistee 5 qof oo muwaadiniin ah oo isku dhac shil baabuur ugu geeriyooday 21/11/2013 agagaarka Tuulada Xamaas ee duleedka Berbera.

ALLE ha u naxariistee muwaadiniintaasi waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland illaahay uga rajeeyey inuu naxaristii janno ka waraabiyo Eheladii, Qoysaskii iyo qaraabadii ay ka tageena Illaahay samir iyo iiman ka siiyo.

Waxaanu Madaxweynuhu caafimaad Illaahay uga rajaynayaa dhamaan dadkii ku dhaawacmay shilkaasi in uu caafimaad sareecana uu siiyo.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

Shilkan naxdinta leh ayaa noqonayaa kii labaad noociisa ah ee todobaad gudihii dalka ka dhaca. Maalintii Salaasada ee todobaadkan waxa jidka laamiga ah ee u dhexeeya Hargeysa iyo tuulada Abaarso ka dhacay shil ay ku geeriyooday Shan qof oo saddex ka mid ahi ka tirsanayeen shaqaalaha Shirkadda SOMCABLE Ka dib markii ay isku dhaceen baabuur ay wateen iyo gaadhi Xamuul ah oo ku soo jeeday dhinaca magaalada Hargeysa, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen lix qof oo kale.

SOMALILANDPOST.NET