Madaxweynaha oo Kullan ku Saabsan Hirgalinta Diiwaangelinta La Yeeshay Guddida Doorashooyinka iyo Wasaaradda Daakhiliga

????????????????????????????????????

Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan wada jir ah maanta  xafiiskiisa kula yeeshay Guddida Doorashooyinka qaranka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Kulanka uu Madaxweyne Siilaanyo la wada yeeshay Gudiga Doorashooyinka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa la xidhiidhay sidii ay labadoodu wada jir  ugu dhaqaaqi lahaayeen in ay dalka oo dhan ka wada hir galiyaan diiwaangalinta codbixiyeyaasha doorashooyinka soo socda.

Waxaanu Madaxweynaha Somaliland ku adkeeyay Guddida Doorashooyinka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay xil iska saaraan  diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka oo ah albaabka laga gelayo doorashooyinka Somaliland oo lagu wado inay dalka ka qabsoomaan 2017.ka.waxaanu Madaxweynuhu ku dardaaray in ay ka soo baxaan waajibaadka qaran ee ka saaran diiwaan gelinta codbixiyeyaasha.

Markii kulankaasi uu dhammaaday ayaa waxaa warbaahinta faah-faahin ka siiyay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland  Md. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), waxaanu yidhi “Kulanka uu maanta Madaxweynuhu la yeeshay guddida doorashooyinka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ahaa mid uu Madaxweynuhu kula dar-daarmayay Komishanka doorashooyinka iyo Wasaaradda Arrimaha guduhuba sidii ay xil iskaga saari lahaayeen ugana wada shaqayn lahaayeen diiwaan gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka,mar haddii dalka ay ku soo dhow yihiin wakhtigii doorashooyinku.”

“Madaxweynuhu waxa uu  kula dar-daarmay in ay xidhiidh dhow oo wada shaqayn ah ka yeeshaan Guddida Doorashooyinka iyo Wasaaradda Daakhiligu diiwaan gelinta codbixiyeyaasha taasoo ah tallaabo muhiimadeeda leh oo ka mid ah arrimaha u baahan in la sii dhammays tiro wakhtiga doorashooyinku dalka ka qabsoomayaan ka hor.”ayuu yidhi Afhayeenku

Geesta kalena, Guddida doorashooyinka ayaa uga warramay madaxweyne Siilaanyo qaabka ay ugu diyaar-garoobeen hirgelinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.