Madaxweynaha oo ka hadlay Geeri ku timi Saddex Marxuum oo magac ku lahaa bulshada dhexdeeda

siilaanyo1111Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ehelkii, qaraabadii iyo Shacabka Somaliland ee ay ka baxeen ka tacsiyadeeyey geeri ku timi Saddex marxuum oo maalintii Shalay ilaa maanta ku kala geeriyooday dalalka Somaliland, Sucuudiga iyo Maraykanka.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu tacsi u diray ehelladii iyo qaraabadii ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Cabdilaahi (Galaal) oo shalay ku geeriyooday magaalada Barakaysan ee Makka oo u joogay gudashada Waajibaadka Xajka ee sannadkan, isagoo marxuumku ka mid ahaa madax-dhaqameedka sida weyn looga yaqaano deegaannada Soomaalida gaar ahaan Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay geerida Alle ha u naxariistee Marxuumad Hindisa Cabdi Jaamac oo maanta ku geeriyootay dalka Maraykanka, waxaanu madaxweynuhu si gaar ah geerida Marxuumadda uga tacsiyadeeyey Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Xagla-toosiye oo marxuumaddu hooyadii ahayd.

Waxa kale oo uu Md Siilaanyo tacsi u diray ehelka iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Geeddi (Cali Ardo) oo ku geeriyooday degmada War-idaad ee gobolka Saraar. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay oday dhaqan oo ka baxay shacbiga iyo qaranka Somaliland, in badana ka soo shaqeeyey nabad kuwada noolanshaha shacbiga Somaliland, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa waayeelka ugu da’a weyn dalka.

Sida lagu sheegay dhambaallo tacsi ah oo maanta ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada Somaliland, waxa uu madaxweynuhu tacsi u diray Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Cabdilaahi (Galaal) oo ku geeriyooday Masjidka Barakaysan ee Xaramka.

Waxaanu Madaxweynuhu Suldaanka ku tilmaamay tiir ka baxay bahda dhaqanka, isagoo in badan ka dhexmuuqday xalinta arrimaha nabadaynta beelaha walaalaha ah ee wada dega Somaliland, kana mid ahaa oday dhaqameedkii salka u dhigay qaranimada Somaliland.

Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynaha Somaliland Ebbe uga baryey Saddexda marxuum, inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, dhammaan ehelladii, qaraabadii, madax-dhaqameedka iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.