Madaxweynaha oo guddoomiyeyaal Cusub u magacaabay Gobollada Togdheer iyo Selel

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreeto uu xalay soo saaray Guddoomiyeyaal cusub ugu magacaabay gobollada Togdheer iyo Selel, ka dib markii uu istiqaaladda ka aqbalay badhasaabkii hore ee Togdheer, halka uu sidoo kalena xilalka ka qaaday badhasaabkii iyo ku-xigeenkii gobolka Selel.

badhasaabbo cusubWar-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madax-tooyada oo xambaarsan digreetada madaxweynaha oo isugu jirtay magacaabis iyo xil-ka-qaadis, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu yahay JSL/M/XERM/249-2249/012014, ku magacaabay Gudoomiyeyaasha Gobolada Togdheer, Selel iyo Gudoomiye ku xigeenka gobolka Selel, sidoo kalena waxa uu xilalkii ka qaaday Gudoomiyihii hore ee gobolka Selel iyo ku xigeenkiisii, halka gudoomiyihii hore gobolka Togdheeri uu sheegay in uu isagu iska casilay  xilkii gudoomiyenimo, Madaxweynuhuna uu buuxiyey xilkaasi.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:      Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:       Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tix-geliyey:    Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin

Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:  In baahi loo qabo buuxinta jagadan;

Markuu La Tashaday:  Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu Arkay:             in uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

WUXUU GO’AANSADAY

1. In Mudane, Maxamed Muuse Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Mudane, Cabdi-risaaq Waaberi Rooble, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Mudane, Cabdil-qaadir Aadan Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.

XIL-KA QAADIS

Mudaneyaal ,

Waxaan idinka  mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Guddoomiyaha Gobolka Selel  iyo gudoomiye ku xigeenka gobolka Selel. Xilalka Qaranka ayay dabcigooda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilka Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland (Mudane, Cabdilaahi Faarax Maydhane Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Selel)  iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Selel (Mudane, Cali Allaale Riyaale Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Selel)

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen Mudane, Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay iyo Mudane, Cabdil-qaadir Aadan Yuusuf oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.”

Magacaabista badhasaabka cusub ee Togdheer, ayaa ka dambaysay ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo ka aqbalay istiqaalad uu u gudbiyey guddoomiyihii hore ee gobolkaas Axmed Cumar X C/laahi Xamarji oo toddobaadkan gudihiisa u gudbiyey Madaxweynaha is-casilaad uu ka cudur-daartay xilkaas sababo la xidhiidho arrimo isaga u gaar ah.

Badhasaabka cusub ee Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa ahaa siyaasiyiintii Xisbigii UDUB ee aad uga soo horjeedday Xisbiga Kulmiye wakhtigii uu mucaaradka ahaa, waxaanu ahaa Agaasimihii Telefishanka Qaranka wakhtigii xukuumaddii UDUB. Sidoo kale, Maxamed Muuse Diiriye ayaa in badan soo ahaan jiray Xildhibaan ka tirsanaan jiray Golaha wakiiladda Somaliland ka dooraashadii wakiillada ee 2005-tii.

Sidoo kale, Badhasaabka Cusub ee Selel, Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii xisbiga UDUB, isaga oo ahaan jiray Wasiirkii Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumaddii Daahir Rayaale.

SOMALILANDPOST.NET