Madaxweynaha oo Casho Sharaf ku Maamuusay Safiirada Somaliland

????????????????????????????????????

Hargeysa(SLpost)-kulan casho sharaf ah oo uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo la qaatay Safiirada Somaliland u qaabilsan Waddamo kala duwan ayaa ka qabsoomay Madaxtooyada caawa, kulankan oo noqonaaya kii u horeeyey ee safiirada somaliland isugu yimaadaan dalka kana arrinsadaan hawlahooda shaqo iyagoo khibrado iyo talo wadaag ka helaaya wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo la taliyeyaashiida arrimaha dibeda, Madaxweynaha oo halkaasi ka jeediyey hadal dhaxal gal ahayaa yidhi:-

 

????????????????????????????????????

Sharaf weyn bay ii tahay inaan caawa idinku soo dhaweeyo si qalbi furan Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

 

Waxaan jecelahay in aan uga mahad-celiyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire shirweynaha uu isugu yeedhay dhammaan Wakiilladii Somaliland u fadhiyey dallalka dibedda. Waxaan aaminsanahay in kulankan wada jirka ee aad isugu timaadeen aad xog badan ku kala qaadateen, isla markaana qorshe hawleed diblomaasiyadeed diyaariseen, kuwaas oo dardargelin kara siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland.

 

Mar labaad waxaan idiinku hambalyeynayaa dedaalka aad habeen iyo maalinba ugu jirtaan adkaynta xidhiidhka iyo iskaashiga Somaliland la leedahay dallalka aad joogtaan. Xaqiijinta himilladani waa xilka iyo waajibka ugu culus ee aad qarankan u haysaan. Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxa la gudboon inay qiimayn iyo dib-u-eegis joogta ah ku samayso heerka xil gudashada Xafiisyada Wakiillada Somaliland ee Dallalka Dibedda.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin

 

Somaliland waa qaran madax bannaan oo buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa, hase yeeshee nasiib darro ilaa iyo hadda ma helin aqoonsi caalamiya. Ka midho-dhalinta arrintani waa mas’uuliyad saaran xukuumaddan aan madaxda ka ahay, idinkuna aad safiirrada u tihiin. Sidaas darteed, waxaan idiinku guubaabinayaa in aad xil weyn iska saartaan sidii aynu u xaqiijin lahayn in qarankani ictiraaf buuxa ka helo beesha caalamka.

????????????????????????????????????
?

 

Ugu danbayn waxaan idiinku boorinayaa dedaalka oo la laban laabo iyo daacadnimo, waxaanan idin leeyahay ceelalyadii reerku ku cabi lahaa waa idinka (Ceelna Uma Qodna, Cidina Uma Maqna)”

 

Somalilandpost,

Hargeysa