Madaxweynaha La Doortay oo Kulan La Qaatay Safiirka Ingiriiska u Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha cusub ee shacabka reer Somaliland dhawaan doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ka socda safaaradda dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland Soomaaliya.
FB_IMG_1511591561960Weftigan waxa hoggaaminaya safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaliya Ambassador Daved Concar, islamarkaana ay xubin ka ahayd haweenayda madaxda ka ah Xafiiska ingiriiska u qaabilsan Somaliland Mrs Rosie Tapper.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen guddoomiye-ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Cabdi Dheere, ayey labada dhinac kaga wada-hadleen arrrimo door ah oo ku saabsan madaxweynaha cusub ee ay Somaliand yeelatay iyo sida ay dawladda Ingiriiska uga go’an tahay inay wada-shaqayn dhaw ula yeelato iyo sidii loosii xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dhinac ka dhexeeya.
FB_IMG_1511591590744Ugu Horrayn Ambassador Daved Concar waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu bushaareeyey hambalyo rasmi ah oo uu uga sido dawladiisa, isaga oo intaas ku daray inay dawladda Ingiriisku muhiimad weyn siinayso sidii kor loogu qaadi lahaa deeqaha ay siiso Somaliland ee dhinaca horumarka, isla markaana loosii xoojin lahaa xidhiidhka labada dhinac.
FB_IMG_1511591584081Ambassador Daved Concar waxa kale oo uu sheegay inuu inay dawladiisa ka go’an tahay sii ambo-qaadista wada-dahallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya iyo ka midho-dhalintooda si mustaqbalka loo gaadho natiijo labada dhinacba ku wada qanci karaan.
FB_IMG_1511591570553Arrimaha kale ee uu Ambassador Daved Concar madaxweynaha la wadaagay waxa kamid ahaa xiisaha ay dawladda Biritain u qabto dedaalka nabadaynta ah ee ay xukuumadda KULMIYE ka bilowday gobollada Bariga Somaliland, waxana uu madaxweynaha ka codsaday inuu ka gun gaadho wada-hadalladaas.
Madaxweynaha cusub ee shacabku doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa uga mahadnaqay booqashada safiirrada iyo doorka saaxiibtinimo ee uu ay dawlada Biritain la leedahay Somaliland, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay madaxweyne ahaan ka go’ntahay sidii uu usii quweyn lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ay Somaliland la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.