Madaxweynaha La Doortay oo Kulan La Qaatay Mudaneyaal Baarlamaanka Midowga Yurub Ka Tirsan oo si Weyn Ugu Ololeeya Qaddiyadda Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay wefti heer sare ah oo ka socday Baarlamaanka midowga reer Yurub, kuwaas oo si xoog leh ugu dhaqdhaqaaqa qaddiyadda gooni isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.
FB_IMG_1512308800901Weftiga uu madaxweyne Muuse Biixi la kulmay, ayaa waxa xubno ka ah xildhibaanno si weyn dunida looga yaqaanno iyo siyaasiyiin caan ku ah ka midho-dhalinta sidii ay Somaliland dunida inteeda kale uga heli lahayd Ictiraaf Buuxa, kuwaas oo ay kamid yihiin Xildhibaan James Carver oo kamid ah midowga Yurub, lagana soo doorto gobolka West midland ee dalka Ingiriiska, xildhibaan Raymond Finch oo golaha Baarlamaanka midowga Yurub katirsan, kana soo jeeda gobolka Koonfur-Bari ee dalka Britain, lagana soo doortay xisbiga Independency Party, Stephen Atkinson oo ah la-taliyaha arrimaha dibadda u qaabilsan u qaabilsan xildhibaan Jim Carver, isla markaana xubin ka ah golaha ay ku bahooheebeen saaxiibada ay Somaliland ku leedahay golaha Baarlamaanka midowga Yurub iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Belgium-ka Md. Maxamuud Cabdi Dacar, ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo la xidhiidha hambalyo ay mudaneyaashani ka sideen guud ahaan Baarlamaanka reer Yurub iyo gaar ahaan dalka Britain ee ay kasoo jeedaan, waxana madaxweynaha dhinaciisa kulankan ku wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka Md. Maxamed Ibraahim Qabo iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Kaysar Cabdilaahi.
Xubnaha wefiga ahi waxa ay madaxweynaha cusub ee la doortay ugu bushaareeyeen inay sii wadi doonaan dedaalka ay ugu jiraan ka midho-dhalinta qaddiyadda gooni isu-taagga Somaliland, iyaga oo shaaciyey inay gacan buuxda ka siin doonaan xukuumadda cusub sidii ay dunida Ictiraaf buuxa uga heli lahayd.
FB_IMG_1512308804195Madaxweynaha cusub Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaciisa xubnaha xildhibaannada ah ku bogaadiyey doorka lama ilaawaanka ah ee ay kaga jiraan raacadada loogu jiro Ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu ammaanay dedaalka ballaadhan ee ay ka dhex wadaan golaha Baarlamaanka Midowga reer Yurub dhexdiisa, waxana uu ballan qaaday inuu si dhaw ula shaqan doono, kana saacidi doono wax kasta oo ay uga baahdaan.